# mudane (news sources) — RSS Amplifier

Recent posts from the 1 feeds in the RSS Amplifier directory that cover mudane.

Page: <https://rssamplifier.com/topics/mudane/news>  
Feed: <https://rssamplifier.com/topics/mudane/news.md>

---

## [Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho](https://radiomuqdisho.so/tababarka-hindisaha-istaraatiijiga-ee-wariyayaasha-nabadda-oo-ka-socda-muqdisho/)

_2026-08-23 · Shamis Hassan Harun · Radio Muqdisho_

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo Agaasimaha Guud ee Difaaca ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Abuukar, ayaa maanta magaalada Muqdisho si wadajir ah uga furay tababar qeyb ka ah Hindisaha Istaraatiijiga ah ee “Wariyayaasha Nabadda”. Tababarka…

## [Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab](https://radiomuqdisho.so/ciidamada-deegaanka-oo-deegaanka-tawakal-ku-dilay-horjooge-sare-oo-ka-tirsanaa-al-shabaab/)

_2026-08-23 · Shamis Hassan Harun · Radio Muqdisho_

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ku khaarijiyay horjooge muddo dheer ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta. Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Odawaa, kuna magacdheeraa (Faadhuud), ayaa 57 jir ahaa. Wuxuu kooxda…

## [Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho](https://radiomuqdisho.so/tababar-heer-sare-ah-oo-la-xiriira-baarista-dambiyada-oo-lagu-qabtay-muqdisho/)

_2026-08-22 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Tababarkan oo socday muddo hal sano ah ayaa ciidamada lagu barayay farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, baaritaanka goobaha ay dambiyadu ka \[…\]

## [𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚](https://radiomuqdisho.so/%f0%9d%90%91%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%a2%f0%9d%90%a2%f0%9d%90%ac%f0%9d%90%ae%f0%9d%90%a5-%f0%9d%90%96%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%ac%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%ab%f0%9d%90%9e-%f0%9d%90%97-13/)

_2026-08-22 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaasi oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha dalka iyo cabsida laga qabo fatahaado culus oo ay sababaan Roobabka Dayrta oo la filayo in ay dhowaan ka bilowdaan qeybo ka mid \[…\]

## [Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay](https://radiomuqdisho.so/ciidanka-xoogga-dalka-oo-howlgal-qorsheysan-ka-fuliyay-baay/)

_2026-08-22 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen gabaad iyo isku-abaabul, Intii uu hawlgalku socday waxaa ciidamada isku soo dhiibay xubin ka Khawaarijta, howlgalka ayaa waxaa fuliyey Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab waxaana uu ka dhacay deegaanka Yaaq-Doomaar. Ciidamada Kumaandooska \[…\]

## [Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya](https://radiomuqdisho.so/wasiirka-maaliyadda-xfs-oo-kulan-la-qaatay-wakiilka-undp-ee-soomaaliya-2/)

_2026-08-22 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis oo maanta booqasho ku yimid xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo UNDP, gaar ahaan qaab-dhismeedka Isku-xirka Maalgelinta Qaranka (Integrated National Financing Framework –…

## [Munaasabadda daahfurka mashaariicda Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) oo Muqdisho ka socota](https://radiomuqdisho.so/munaasabadda-daahfurka-mashaariicda-uu-isbahaysiga-milatari-ee-islaamka-ee-la-dagaallanka-argagixisada-imctc-oo-muqdisho-ka-socota/)

_2026-08-22 · Shamis Hassan Harun · Radio Muqdisho_

RADIO MUQDISH:-Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) ka fulinayo Soomaaliya. Mashaariicdan waxaa ugu horreeya Barnaamijka Wariyaasha Nabadda oo lagu xoojinayo doorka warbaahinta iyo wariyeyaasha ee ka hortagga xagjirnimada iyo argagixisada iyo kor u qaadista nabadda iyo…

## [Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab](https://radiomuqdisho.so/ciidamada-deegaanka-ee-shabeellaha-dhexe-oo-dilay-laba-horjooge-oo-ka-tirsanaa-al-shabaab/)

_2026-08-22 · Shamis Hassan Harun · Radio Muqdisho_

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa 21-kii bishaan Agoosto laba weerar oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Daaru-nicma iyo Tawakal, halkaas oo ay ku dileen laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta. Ciidamada Deegaanka ayaa weerar ku qaaday goob ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla duleedka…

## [Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya](https://radiomuqdisho.so/deegaanka-hul-caduur-oo-halis-ugu-jira-in-looga-guuro-bacaad-kusii-fidaya/)

_2026-08-22 · Shamis Hassan Harun · Radio Muqdisho_

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Deegaanka Hul-Caduur oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa wajahaya xaalad adag, kaddib markii Bacadku si weyn ugu fiday deegaanka, taasoo saameyn ku yeelatay nolol-maalmeedka dadka iyo xoolaha ku nool deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in fiditaanka Bacadku uu sii fidayo, islamarkaana uu sababi karo in bulshada ku nool deegaanka ay ku \[…\]

## [Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC](https://radiomuqdisho.so/kaaliyaha-taliyaha-cxds-oo-muqdisho-kusoo-dhaweeyay-wafdi-ka-socda-isbahaysiga-imctc/)

_2026-08-22 · Shamis Hassan Harun · Radio Muqdisho_

RADIO MUQDISHO:-Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Madey nurey sheikh ufurow, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sareeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka…

## [One Cloud, Every AI Layer (Sponsored)](https://crawlproof.com/a/lewB7XvcG9Ug)

_2026-08-22 · **Sponsored**_

Run agents, inference, and infrastructure on one stack — economics improve as you scale.

## [Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya](https://radiomuqdisho.so/wasiirka-warfaafinta-xfs-oo-booqday-xarunta-safaaradda-shiinaha-ee-soomaaliya/)

_2026-08-22 · Shamis Hassan Harun · Radio Muqdisho_

RADIO MUQDISHO(BEIJING):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdigataax Qaasim Maxamuud, oo magaalada Beijing ee xarunta dalka Shiinaha ku jooga safar shaqo oo rasmi ah iyo ka qayb-galka Madasha 7-aad ee arrimaha Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha iyo Qaaradda Africa, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee…

## [Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC](https://radiomuqdisho.so/soomaaliya-oo-dadaal-ku-bixineysa-horumarinta-iyo-matalaadda-hayadaha-eac/)

_2026-08-20 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha EAC, Maxamed Faatir, oo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay Kulan Gaar ah oo Golaha Wasiirrada EAC ku yeesheen magaalada Mombasa ee dalka Kenya. \[…\]

## [Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia](https://radiomuqdisho.so/shirka-sagaalaad-ee-maareeyayaasha-jinsiyadda-iyo-aqoonsiga-ee-jaamacadda-carabta-oo-lagu-qabtay-tunisia/)

_2026-08-20 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qabtay magaalada Tunis ee Jamhuuriyadda Tunisia, inta u dhaxeysay 19–20 Agoosto 2026. Shirka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin casriyeynta nidaamyada aqoonsiga,…

## [Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka](https://radiomuqdisho.so/wasaaradda-arrimaha-dibadda-oo-ka-qaybqaadanaysa-diyaarinta-warbixinta-waxqabadka-qaranka/)

_2026-08-20 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Hamza Haadoow, ayaa maanta kormeer ku sameeyay hawlaha ka socda Wasaaradda ee ku aadan diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka ee Xukuumadda (DanQaran) 2022–2026. Intii uu waday kormeerku Xoghayaha Joogtada ah ayaa aad ugu kuurgalay horumarka laga sameeyay diyaarinta warbixinta iyo kaalinta Wasaaradda…

## [Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha](https://radiomuqdisho.so/wasiirka-warfaafinta-soomaaliya-oo-khudbad-ka-jeediyey-madasha-7-aad-ee-iskaashiga-warbaahinta-afrika-iyo-shiinaha/)

_2026-08-20 · Abdirahman Gacaltooyo · Radio Muqdisho_

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka jeediyay Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha oo ka socota magaalada Beijing. Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso la qabsigacasriyeynta warbaahinta, caqabadaha…

## [Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika](https://radiomuqdisho.so/soomaaliya-iyo-masar-oo-ka-wada-hadlay-xoojinta-xiriirka-labada-dal-iyo-amniga-geeska-afrika/)

_2026-08-19 · Abdirahman Gacaltooyo · Radio Muqdisho_

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku yeeshay, iyagoo diiradda saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo isbeddelada amni ee ka dhacaya gobolka Geeska Afrika, wuxuuna dhiggiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dowladda Masar ay la garab taagan tahay Soomaaliya,…

## [Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya](https://radiomuqdisho.so/guddoomiyaha-golaha-shacabka-oo-xafiiskiisa-ku-qaabilay-safiirka-sacuudiga-ee-soomaaliya/)

_2026-08-19 · Abdirahman Gacaltooyo · Radio Muqdisho_

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, H.E. Ahmed Mohammed Almowallad, waxaana ugu horreyn safiirka uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyey doorashadiisii xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka…

## [𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚](https://radiomuqdisho.so/%f0%9d%90%91%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%a2%f0%9d%90%a2%f0%9d%90%ac%f0%9d%90%ae%f0%9d%90%a5-%f0%9d%90%96%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%ac%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%ab%f0%9d%90%9e-%f0%9d%90%8a-2/)

_2026-08-18 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Danjiraha Magacaaban ayaa ka wada hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya iyo horumarinta iskaashiga ee dhinacyada ganacsigao, waxbarashada,…

## [Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed](https://radiomuqdisho.so/soomaaliya-oo-daahfurtay-sharciga-cadaaladda-dayarta-soomaaliyeed/)

_2026-08-18 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci Lr. 48 ee 19 Janaayo 2026. Sharcigan ayaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo xuquuqda, karaamada iyo danta ugu wanaagsan ee carruurta la kulma nidaamka cadaaladda, iyadoo loo sameeyay habraacyo gaar ah oo khuseeya qabashada, haynta, \[…\]

## [MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”](https://radiomuqdisho.so/madaxweyne-xasan-sheekh-farriinta-safarkeygu-waxa-ay-ahayd-nabad-iyo-midnimo/)

_2026-08-18 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa ayaa tilmaamay in farriinta safarkiisa Galmudug uu xambaarsanaa ay ahayd xoojinta nabadda iyo midnimada dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bulshada la wadaagay warbixin ku saabsan horumarka iyo guulaha laga gaaray…

## [Privacy-first AI-native browser (Sponsored)](https://crawlproof.com/a/hTWko3pQKfeI)

_2026-08-18 · **Sponsored**_

No telemetry or ads — built on Ungoogled Chromium with a built-in AI sidebar and CLI.

## [Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors](https://radiomuqdisho.so/somalia-receives-copies-of-credentials-from-four-new-ambassadors/)

_2026-08-18 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the copies of credentials of four newly appointed Ambassadors to Somalia: H.E. Dr. Madou Diallo of the Republic of Mali, H.E. Danlami Ibrahim of the Federal Republic of Nigeria, H.E. Aqsa Nawaz of the Islamic Republic \[…\]

## [Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Wasaaradda Qorsheynta oo loogu soo bandhigay Warbixinta afarta sano ee dowladda](https://radiomuqdisho.so/wasiirka-arrimaha-dibadda-oo-booqday-wasaaradda-qorsheynta-oo-loogu-soo-bandhigay-warbixinta-afarta-sano-ee-dowladda/)

_2026-08-18 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa booqday xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene-Beene). Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda u soo bandhigay…

## [Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub](https://radiomuqdisho.so/dowladda-soomaaliya-oo-ka-guddoontay-nuqullada-waraaqaha-aqoonsiga-afar-safiir-oo-cusub/)

_2026-08-18 · Mohamed M Hassan · Radio Muqdisho_

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka guddoomay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar safiir oo cusub oo loo soo magacaabay Soomaaliya. Safiirrada cusub ee loo soo magacaabay Soomaaliaya ayaa kala ah Safiirka Jamhuuriyadda Mali Mudane Dr. Madou Diallo., Mudane Danlami Ibrahim oo ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Marwo \[…\]

## [Madaxweynaha JFS oo kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Gaalkacyo](https://radiomuqdisho.so/madaxweynaha-jfs-oo-kormeeray-dugsiga-farsamada-gacanta-gaalkacyo/)

_2026-08-18 · Fardowso Xasan · Radio Muqdisho_

Gaalkacyo, Agoosto, 18, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Cadow ee magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isaga oo soo indha-indheeyay fasallada, goobaha tababarka, xafiisyada maamulka, guryaha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee xarunta,…

