RSS Amplifier

Blog

Somali National Television – sntv.so

Telefishinka Qaranka Soomaaliya

sntv.soSource feed ↗10 posts

Overdue Last read · last published · next check
Last read 4 hours ago, longer than this feed's 1 hour schedule.

Written by

Latest posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab). Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyey doorashadiisii xilka…

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka jeediyay Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha oo ka socota magaalada Beijing. Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso la qabsiga casriyeynta warbaahinta, caqabadaha…

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐂𝐮𝐥𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aadan Abuukar Cusmaan (Sheekh Suufi Yare), iyo xubno ka tirsan Culimada Soomaaliyeed. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka, iyo sidii Culimadu kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen…

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay dadkii ay eheladooda ku waxyeelloobeen dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay jasiiradda Flores ee Jamhuuriyadda Indonesia. War Saxaafaeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu sheegay in ay dowladdu aad ugu murugooneyso mashaqada ka dhacday Indonesia “ Iyadoo ku hadlaysa magaca Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,…

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo Xubin ka Noqday Kooxda Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo Dhaqista Lacagaha

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS (XHGS) ayaa si rasmi ah uga mid noqday Koox-hawleedka La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo Dhaqista Lacagaha (WGFACML) ee Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka Sare (INTOSAI). Arrintan ayaa timid kadib kulankii 19-aad ee Kooxda, oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay (18–20 August 2026) ka socday magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Xafiiska Hantidhowrka […]

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛-𝐱𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo manta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dhaqaalaha, amniga iyo difaaca dalka. Kulanka Golaha oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan amniga dalka…

NIRA oo ka qaybgashay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Dad-dhigista ee Jaamacadda Carabta

Maareeye Kuxigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) Cabdiraxmaan Siciid Axmed ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Dad-dhigista ee Jaamacadda Carabta, oo lagu qabtay magaalada Tunis, Jamhuuriyadda Tunisia – 19-20 Agoosto 2026. Shirka waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin casriyeynta nidaamyada aqoonsiga, astaamaha farsamo iyo kuwa amni…

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dooday hawlaha Golaha iyo hindise-sharciyeedyada horyaalla

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane…

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 15-guuradii ka soo wareegtay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku tagay magaalada Muqdisho bishii Agoosto 2011. Munaasabadda, oo ay soo qabanqaabisay hay’adda cilmi-baarista ee ORSAM, ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana looga […]

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta ajandayaasha mudnaanta u leh fadhiyada Golaha, qaabaynta hadal-qoraallada fadhiyada Guddiga iyo xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka iyo gudashada waajibaadka…