Muqdisho – Qoysas oo u tiro badan oo beeraley ah ayaa soo buux dhaafiyay xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho, iyagoo halkaas ay ku heysato xaalad bani’aadanimo. Qoysaskan ayaa ka soo barakacay colaadaha ka soo cusboonaaday qeybo kala duwan ee ka tirsan gobolkaas, taasoo ka bilaabay muran ka dhashay lahaansho dhul beereedyo. Dagaalada u dhexeeya dowladda Soomaaliya […]
Shirweyaha Karanle oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada Beelweynte Karanle ee Finland ayaa ka dhacay magaalada Helsinki, caasimadda Finland. Shirweynaha ayaa waxaa lagu lafaguray muhiimadda ay leedahay midnimada Karanlaha deggan Finland iyo iska warqabka, is caawinta Jaaliyadda Karanle ee Finland. Waxaa sidoo kale Shirweynaha lagu doortay Guddoomiye iyo Guddi la shaqeeya, […]
Brusels (Onkod Radio) Golaha Midowga Yurub ayaa go’aansaday inuu si ku-meel-gaar ah u adkeeyo qaar ka mid ah shuruudaha bixinta fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, isaga oo sabab uga dhigay wada-shaqayn aan ku filnayn oo Soomaaliya ka muujisay dib u qaabilaadda muwaadiniinteeda sida sharci-darro ah ugu sugan dalalka Midowga Yurub, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo […]
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo uu wehliyoGuddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay shir looga hadlayay u diyaar-garowga iyo ka hortagga fatahaadaha la filayo inay ka dhashaan roobka xilliga Deyrta. Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA waxaa diiradda lagu saaray xoojinta…